Latest Article

6/recent/ticker-posts
Showing posts with the label Wararka somaliShow all
Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?
Faahfaahin dheeraad ah oo laga helay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo danta ay Ankara ka leedahay
Ramadan: Sababta aniga iyo sambuus aan isku macsalaameynay
Ciidanka Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qaybgalaya dhoolatus milatari oo ka dhacaya dalka dibadiisa
Soomaaliya: 'Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay'
Maxaad ka taqaanaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Itoobiya?
Talooyin ku anfacaya Ramadaanka si aad u ilaaliso caafimaadkaaga
Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya, dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu.  Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin.  Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.  Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo. Kudhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso.  Heshiiska Difaac ee Turkiga Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday.  Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay. Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow”
Load More That is All