Madaxweynaha Turkga Rajep tayyib Erdogan oo ku sugan Qaahira ayaa ballan qaaday in ay difaacayaan madaxbannaanida Soomaaliya.
Erdogan oo dalkiisu heshiis difaac la galay Soomaaliya ayaa yiri: "Waxaan wada hadalnay Liibiya, Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanuna ku heshiinnay ilaalinta xornimada iyo midnimada dalalkaas."
"Waxaan si buuxda u taageersanahay midnimada, wadajirka dhuleed iyo nabadda saddexdan dal ee aan walaalaha nahay" ayuu kusii daray.
Booqashada Erdogan ee masar oo imaanaysa 12 sano kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayey ayaa ka hadlay wadamada ay xulufada yihiin iyo kuwa kale Islaamka ee dhibaatooyinka ku dhex jira.
"Waxaan go'aansannay in aan kordhino xiriirka aan la leenahay Masar heer kasta oo ay tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka," ayuu yiri Erdogan.Dalalka uu Turkigu difaacay
Dalkan kala qaybiya labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya isla markaana ah dalka labaad ee ugu cududda weyn dhanka gaashaan-buurta Nato ayaa isu arka in uu yahay difaacaha dalalka Islaamka.
Muuqashada milatari ee dalkani ka sameeyay dibaddiisa ayaa sare usii kacaysay tobankii sano ee lasoo dhaafay isaga oo lagu arkay furimaha dagaalka ee dalalka sida Azerbaijan, Libya iyo Suuriya oo uu ka taageeray dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay isaga difaacdo weerarka Ruushka.
Azerbaijan
Turkigu waxa uu si buuxda oo cad u difaacay dalka Azebaijan oo uu ku tilmaamay xulafadiisa kowaad markii uu dagaalka kula jiray dalka ay deriska yihiin ee Armenia.
Azebaijan ayaa dagaal la gashay Armenia oo ay isku hayaan gobolka Nagorno karabakh oo loo aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbaijan balse ay ku noolyihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Armenia.
Dagaalkan oo socday muddo 44 malmood ah ayaa kusoo idlaaday guusha Azerbaijan kadib markii loo xoog sheegtay ciidamadii Armenia oo ku hubaysnaa qalab duug ah.
Dalkan waxa uu ka taageeray dhinacyada kala duwan ee milatariga iyo agabka hubka, waana halkii ay kusoo caan baxday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Turkigu farsameeyo ee Bayraktar TB2 oo dagaalka dhinaca kale u rogtay.
Libya
Golaha qaranka ee Turkiga ayaa ansixiyay faragalinta milatari ee Libya 2dii Janaayo sannadkii 2020, kaasoo meel mariyay hal sano oo ogalaansho ah si ay ciidammada Turkigu ugu sugnaadaan Liibiya. Hawlgalka milatariga Turkiga ee Liibiya ayaa bilaabmay 5tii Janaayo.
Turkigu wuxuu taageerayay dawladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee uu madaxda ka yahay Moxammed Al-Menfi, oo ay iskasoo horjeedeen jenaraalka xoogga badan ee Khalifa Xaftar oo qudhiisu haystay dalal awood badan oo Ruushku ka mid yahay. Hase yeeshee Turkiga oo ciidammo iyo qalab milatariba halkaas u diray ayaa fududeeyay in Khalifa xaftar iyo ciidamadiisa laga riixo magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Faragelinta militariga Turkiga ee Liibiya ayaa inta badan loo fasiraa in ay tahay isku day lagu xaqiijinayo helitaanka kheyraadka iyo soohdimaha badda ee Bariga Mediterranean-ka taasoo qeyb ka ah qorshaha Turkiga ee ‘Blue Homeland’, ka dib markii la ansixiyay heshiiska badda ee Liibiya iyo Turkiga.
Suuriya iyo Ciraaq
Inkasta oo Turkigu uusan difaacin dawladaha dalalkan carbeed haddana waxaa ku sugan kooxo uu u aqoonsan yahay argagixiso oo weerrarro ka geystay gudaha Turkiga.
Turkiga oo horay u joogay gudaha Suuriya ayaa baacsanayey kooxaha Kurdiyiinta iyo kuwa kale.
Sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii uu qaaday hawlagl ballaaran oo uu dhulka Suuriya ee dhankiisa soo xiga ka samayayay waxa uu ugu yeeray aag nabdoon.
Ciraaq ayuu Turkigu illaa hadda ka fuliyaa werrarro dhanka cirka ah oo uu la beegsado kooxaha Kurdiyiinta.
Dalkan dhaqaalihiisu soo kobcayo isla markaana leh qalabka milatari ee casriga ah ayaa la filayaa in uu Soomaaliya ku taageero maraakiib dagaal ama ugu yaraan uu kHeshiiska Difaac ee Turkiga iyo Soomaaliya
Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa siddeeddii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis isugu jira mid difaac iyo iskaashi dhaqaale, iyadoo sida la sheegay, 'sare loogu qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ka dhaxeeya iyo deganaanshaha gobolka'.
Yasar Guler, wasiirka difaaca ee Turkiga, iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiiska ugu kala saxiixay labada dal, xaflad ka dhacday caasimadda Turkiga ee Ankara.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Turkiga - Anadolu, labada dhinac waxay yeesheen kulamo dhex maray wufuuddooda.
“Soomaaliya waa bahwadaag Afrika oo muhiim u ah Turkiga. Wadahadallo waxtar leh ayaan dhigayga la yeeshay. Wadaxaajoodkeenna oo ku dhacay jawi diirran, xiriirkeenana sii wanaajiyey, ayaan ku celinay mar kale muhiimadda aan siinayno gobanimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Yasar Guler kulanka ka dib.
Ilo oo milateriga Soomaaliya ku dhow oo magacooda ka gaabsaday in aan soo xiganno, ayaa BBC u sheegay in qodobada heshiiska ay ka mid yihiin "in Turkigu uu Soomaaliya siinayo hub culus”, laakinse lama oga ilaa hadda nooca hubka iyo tiradiisa.
Waxaa kale oo ay BBC-du ogaatay in uu jiro qorshe kaas barbar socda oo "ciidanka badda ee Turkiga ay markab ama maraakiib dagaal u soo diri doonaan badda cas”.
Inkastoo aysan labadaas arrimood BBC si madax banaan u xaqiijin, misna heshiiska difaaca ee labada dal dhex maray ayaa ku soo aadayaya ayadoo weli ay taagan tahay xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriirta hesiiskii is afgarad ee 1dii Janaayo dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo dhigayey in Itoobiya ay saldhig ka samaysato badda cas, taa beddelkeedana ay aqoonsanayso Somaliland.
Waxaa kale oo heshiiskan uu ku soo aadayaa ayadoo badda cas ay ka socdaan hawlagallo milateri oo ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ay kaga hor jeedaan Xuutiyiinta Yemen ee bar-tilmaameedsanaya maraakiibta isticmaasha marin biyoodka Baabul Mandabuwiisa keeno xeebaha Soomaaliya, sida ay tibaaxayaan xogo ayheshay
0 Comments