Latest Article

6/recent/ticker-posts

Shidaalka lagasoo saaraayo Soomaaliya Isla Bishan Febraayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa warreysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay ee laga qodi doono gudaha Soomaaliya, dhawaan waxaa khubaro ka socota Hay’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristiisu. Soomaaliya ayaa leh keyd shidaal oo badan walise dalka lagama soo saarin. Arrimahaan gobolka kadhacaya iyo isku dayada ay wada dowladda Soomaaliya ayaana noqonaya kuwo Soomaaliya dhex dabaalsiinaya mowjaddo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah. Wasiirka Batroolku wuxuu xaqiijiyey in xilligan la joogo ay diyaar yihiin in la qodo illaa 7 xirmo oo ku kala yaala bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, ku waas oo ku kala yaala Galmudug (3 xirmo), Koonfur Galbeed (2 xirmo) iyo Jubaland (2), kuwaas oo sida qorshuhu yahay lagu talo jiro in laga soo saaro shidaal la doonayo in mustaqbalka la dhoofiyo. Kudhawaaqista soo saarista Shidaalka Soomaaliya iyo loolanka siyaasadeed wadamadu ugu jiraan ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka ee xilligaan ayaana ah arrimo mudan in la darso. Heshiiska Difaac ee Turkiga Kadib heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland guud ahaanba waxaa muuqata siyaasadii arrimaha dibadda ee Soomaaliya in ay xagal wareegtay go’aanno waaweyna dowladda Soomaaliya ay qaaday. Soomaaliya waxay heshiis difaac la gashay dowladda Turkiga oo illaalin doonta xeebaha Soomaaliya muddo 10 sanno ah, ciidamada badda ee Turkiga ayaana gaafwareegi doona xeebaha Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababari doono ciidamo badeed oo Soomaaliya leedahay. Wasiirka qoraal uu bartiisa X soo dhigayna waxuu ku yidhi isagoo ka hadlaayay heshiishka “Ama buur ahoow, ama buur ku tiirsanoow”

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalkiisu “is difaaci doono” haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato qayb kamid ah dhulka Soomaaliya ama halka Itoobiya haatan ay dooneyso ee dhul ahaan ku taalla jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isla markaana ay suurtogal tahay in ay u aqoonsato dhulkaas dal madax bannaan.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii bishii Jannaayo heshiis is-afgarad ah ku gashay in 20 km oo xeebta ah laga kireeyo waana Somaliland oo ah dhul ay Soomaaliya sheegtay in ay leedahay, inkasta oo Somaliland ay sheegtay in ay Soomaaliya ka madax bannaantahay tan iyo 1991-kii.

Itoobiya waxay sheegtay inay doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato halkaas, waxaanay soo bandhigtay suurtogalnimada aqoonsiga Somaliland oo ay ku beddelato, taas oo keentay in Soomaaliya ay ku jawaabto diidmo iyo baqdin ay ka qabto in heshiiskaasi uu nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika xumeyn karo.

“Haddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabbin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo wareysi uu ku siiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto," ayuu sii raaciyay.


Ma uusan sii faah-faahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto. Geeska Afrika waxa soo maray colaado soo noqnoqday, kuwaas oo sababayey dhibaatooyinka bini’aadantinimo gaar ahaanna meelaha u nugul abaaraha. Itoobiya iyo Soomaaliya oo daris ah ayaa horay ugu dagaallamay dhul 1977-1978-dii iyo 1982k


iiMadaxweyne Xasan ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu wada hadal la yeelan karo kaliya marka Addis Ababa ay ka tanaasusho rabitaankeeda ay ku dooneyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.


Afhayeenka dawladda Itoobiya ayaan ka jawaabin codsi faahfaahin ah oo loo diray, sida ay qortay Reuters. Abiy ayaa horay u sheegay in Itoobiya aysan qorshaha ugu jirin in ay colaad dhex marto iyaga iyo Soomaaliya, kaliyana ay isku dayeyso in ay wax ka qabato baahideeda dhanka badda.


Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore u sheegay in adeegsiga badda ay dalkiisa u tahay arrin muhiim ah.


Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.


Isticmaalka dekedeed ee haatan ee Itoobiya

Itoobiya haatan waxa ay alaabeheeda kalasoo degtaa dekedda Jabuuti oo ay isticmaaleysay tan iyo markii ay kala guureen Eritrea.


Jabuuti waa waddan yar oo Afrikaan ah isla markaana marin u ah kanaalka Suez, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka. Dekeddeeda waa dhuunta dhaqaalaheeda, taasoo bixisa isha ugu weyn ee dhaqaale iyo shaqo ee dal kale oo aan bad lahayn.


Dhinaca millitariga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uusan ka fikireynin in uu dalka ka eryo ku dhawaad 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira al-Shabaab.Falanqeeyayaasha iyo dublamaasiyiinta ayaa ka cabsi qaba ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka in ay sii khalkhal galin doonto xasiloonida Soomaaliya, halkaasoo weerarrada al-Shabaab ay ku waxyeelloobeen kumanaan shacab iyo askar isugu jira tan iyo sanadkii 2006-dii.


Soomaaliya iyo wadamo badan oo reer galbeed ah oo uu ku jiro Maraykanka oo si joogta ah u fuliya weerarrada ka dhanka ah al-Shabaab-ta Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska dekedaha ee Itoobiya uu sare u qaaday dadaallada qorista al-Shabaab iyo in ay helaan dhallinyaro hor leh oo raacsan kooxda.


Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay dabayaaqadii 2006-dii si ay uga saaraan dhaq-dhaqaaq Islaami ah oo ah halka ay al-Shabaab kasoo askuntay.


Madaxweyne Xasan ayaa Reuters u sheegay in qiyaasaha dowladdiisa ay muujinayso in al-Shabaab ay qorteen inta u dhexeysa 6,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahanno cusub ah bishii Jannaayo oo keliya.


Falanqeeyayaasha iyo dublamaasiyiinta ay la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaan qeexin tiradaas, iyaga oo qiyaasaya in boqollaal shaqaale cusub ah ay diiwan geliyeen al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments