Dowladda Soomaaliya ayaa dhul dheeraad ah siisay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, si ay safaarad cusub oo waaxyo kala duwan ka kooban, adeegyo bandanna bixisa halkaasi uga dhisato, sida lagu sheegay shir jaraa’id oo ay qabatay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka Soomaaliya, ayna qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Shiinaha, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista rRayidka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa dhulkan ku wareejisay sii hayaha xilka safaaradda Shiinaha, Chen Wendi.
Wasiirad Fardowsa ayaa sheegtay in dhulkan la siiyay safaaradda iyadoo la eegayo xiriirka taariikheed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo iyadoo la bogaadinayo taageerada horumar iyo bani’aadannimo ee Shiinuhu u fidiyo Soomaaliya.
Waxay sidoo kale hay’adaha deggan dhulkaas ugu baaqday inay si degdeg ah u banneeyaan, si loo bilaabo dhismaha safaaradda.
Waxay intaa raacisay in safaaradda cusub ay horumarin doonto adeegyada safaaradda ee bulshada, sida bixinta dal ku galka iyo fududeynta ganacsiga.
Dhanka kale, Chen Wendi, sii hayaha safaaradda Shiinaha ayaa ka warbixiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dhulkan lagu wareejiyay. Wuxuu sheegay in dhulka cusub uu safaaradda ka caawin doono ballaarinta howlaha iyo u adeegidda danaha labada dal.
Waa dhul noocee ah?
Maareeyaha haya’dda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan ayaa BBC-d u sheegay in dhulkan cusun ee safaaradda loo qoondeeyay uu yahay dhul hore ay u degganeyd Qaramada Midoobay, isla markaana uusan ahayn mid cusub oo haatan loo qoondeynayo.
Axmed ayaa sheegay in dhammaanba dhulalka ay safaaraduhu ka deggan yihiin aagga garoonka ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ee aysan weligood degganaaneyn.
Sababo dhanka amniga ah dartood, waxaa agagaarka garoonka Aadan Cadde deggan hay’ado badan oo caalami ah.
Waxaa jira walaac laga qabo in ciriiri uu ku imaan karo garoonka, maaddaama safaarado iyo hay’ado badan ay halkaasi deggan yihiin, haddii dhulal cusub laga bixiyana ay taasi ciriiri dheeraad ah keeni doonto.
Faahfaahin badan lagama bixin ballaca dhulka, balse maareeye Axmed ayaa yiri, “Dhulkan maaha mid cusub hore ayaa loo degganaa, waa laga guuri doonaa laakiin hadda wax ciriiri ah ma jiraan,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay dhulkan siisay safaaradda Shiinaha, wareejintana ay sameysay wasaaradda gaadiidka iyo duulista rayidka, maaddaama ay uu hoos yimaado maamulka garoonka.
Wasiir Fardowsa oo shir jaraa’id qabatay kadib xil wareejinta dhulka, ayaa tiri “Waxaan rabnaa dhul ku dheggan safaaradda Shiinaha eek u dhex taalla garoonka Aadan Cadde oo dowladda Soomaaliya siisay inay ku durugsato xafiisyadeeda inaynu maanta si rasmi ah ugu wareejinno,” ayay tiri.
Waxay sheegtay in dhulkan oo ay in muddo ah degganeyd safaaradda uu ciriiri ku ahaa, sidaa darteedna ay dooneyso in safaaraddu ku ballaariso howlaheeda.
Xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo ShiinahaSanadkii 2014 ayay ahayd markii Shiinuhu oo Soomaaliya dib uga furtay safaarad kadib 23 sano oo ay xirneyd. Wuxuu ka mid ahaa dalal dhowr ah oo safaaradahooda dib uga furtay Soomaaliya.
Shiinaha, si la mid ah dalalka kale, ayaa safaaraddeeda xirtay kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay sanadkii 1991.
Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir fac weyn, oo kumannaan sano kahor ahaa. Xiriirkooda diblomaasiyadeed ayaa billowday wax yar kadib markii Soomaaliya ay xornimadeeda qaadatay sanadkii 1960, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalkii Afrikaanka ahaa ee u ololeeyay in Shiinuhu boos ka helo QM.
Xiriirka labada dhinac ayaa xilliyadii ku tiirsanaa dhanka badda, maaddaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxayna lahaayeen xiriir ganacsi oo badda ah in ka badan kun sano.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay dooneysay horumarinta dhaqaalaheeda buluugga ah - oo la micno ah kan badweynta, waxaana ka mid ah dhanka kalluumeysiga, dalxiiska, ganacsiga badda iyo soo saaridda shidaalka. Sanadkii 2019, dowladda Soomaaliya ayaa 31 leysin oo kalluumeysi ah siisay Ururka Klauumeysiga Dibadda ee Shiinaha.
Shiinaha ayaa haatan ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn Soomaaliya, iyagoo leh iskaashi dhaqaale iyo Shiinaha oo Soomaaliya ka caawiya dhanka bani’aadannimada.
Iskaashiga kalluumeysi ee labada dhinac ayaa sii ballaaranayay, iyadoo maraakiibta kalluumeysid ee Shiinaha ay ka mid ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ee kala shaqeeya ilaalada xeebaha
0 Comments