Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya “xushmad darro” inay kula dhaqaaqday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo. Wuxuu sheegay in markii dambe loo ogolaaday inuu galo.
Wuxu mar kale ku celiyey madaxweynaha Soomaaliya, isagoo la hadlayey suxufiyiinta, inuu ka xun yahay in Itoobiya “ay isku daydo inay qiil u samayso” heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland. “Itoobiya waxay doonaysaa inay dhul ka qaadato Soomaaliya” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota diyaar garow halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.
Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaliya uu iska dhaqaaqay ayadoo la garaacayo muusigga astaanta u ah calanka Itoobiya.
XAYEYSIIN
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soo dhoweeyey wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, waxaana sida u hab maamuuska dhigayo ay labada mas’uul istaageen mimbar loogu tala galay madaxda marka la garaacayo astaanta calamada labada dal.
Laakinse waxaa tan iyo shalay la isla dhex wareegayey sawirkan hoos ka muuqda, ayadoo tafsiirka ama sharraxaadda la raacinayey ay ahayd in ‘madaxweynaah Soomaaliya uu ka degay mimbarka’, isagoo aan doonayn in uu sii taagnaado inta la garaacayo muusigga astaanta calanka Itoobiya.
Haddaba maxaa ka jira in madaxweynaha Soomaaliya uu iska dhaqaaqay ayadoo la garaacayo muusigga astaanta calanka ItoobiyaFiidiwowga qormadan la socda wuxuu muujinayaa madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda ee Itoobiya oo is dhinac taagan, ka dibna uu wasiirku ku sharfayo madaxweynaha Soomaaliya inuu u dhaqaaqo xagga ciidanka salaanta bixinaya ay taagan yihiin, ayadoo intaas ka dibna uu madaxweynuhu ku soo degato mimbarka, ka dibna uu salaanta qaadanayo.
Haddaba ma dhici kartaa in qof mas’uuliyad waddan haya uu iska dhaqaaqo isagoo aan raacayn borotokoolka, oo xanaaqsan, muxuuse arrinka noocaas ka qabaa diblomaasiyadda caalamiga ah.
Arrintaas ayaan u bandhignay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad.
“Hanaanka diblomaasiyadda sidiisaba waa qaab uu is ixtiraamid ku dheehan yahay, waana mid dhinacyada oo dhan ay wada xushmeeyaan.” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray danjire Cawad in “uusan jirin sharci gaar ah oo jabaya haddiiba ay dhacdo in ayadoo muusigga calanku socdo uu qof mas’uul ah iska dego", laakin ay fiican tahay in borotokoolka la raaco.
Sawirka muranka keenay
Isla jawaabtaas mid u dhow waxaa BBC siiyey danjire Xuseen Xaaji Axmed oo faahfaahinna sii raaciyey.
“nidaamka borotakoolka waa in uu dhamaysto muusigga oo uu taagnaado inta la garaacayo, ka dib marka uu muusigga dhamaado waxaa u imaanaya askari, kaasoo hor kacaya oo geynaya safka askarta salaanta bixinaysa” ayuu yuru danjire Xuseen Xaaji Axmed.
Wuxuu kalo ka hadlay arrin aad loo hadal hayo oo a hin madaxweynaha Soomaaliya uusan soo dhoweyn qof meeqaankiisa mid la mid ah leh.
“Booqashadu marka ay tahay mid rasmi ah oo uu mas’uul ku tagayo dal uu marti u yahay, waxaa soo dhoweynaya qof dhigiisa ah ama darajo ahaan u dhigma, laakin maadaama hadda Addis Ababa lagu qabanayo shir-madaxeedka midowga Afrika, waxaa iska caadi ah in madaxda imaanaysa loo diro wasiirro soo dhaweeya” ayuu sii raaciyey.
Shir madaxeedka sannadlaha labada maalmood soconaya ee midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah u furmay, ayadoo la filayo in berri la soo gabagabeeyo, waxaana diiradda lagu saari doonaa
0 Comments