Waxaa magaalada Galkacyo xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay in koox tuugo ah dishay, kaas oo ahaa iskuuleey.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Rooble Xasan, waxaana xalay fiidkii lagu dilay magaalada Galkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu ka dambeeyay ka dib markii koox la sheegay in ay tuugo ahaayeen ay isku dayeen in taleefoonay ka qaataan, sida ay sheegeen booliska oo BBC da la wadaagay in ay baaritaan wadaan iyo ehelada intaba.
Cabdi xasan Daad, oo adeer u ah wiilka oo la dilay oo BBC ayaa sheegay in aysan ilaa hadda aqoon cidda geysatay dilka "Goor hal saac iyo bar oo cishaha lagu jiray ayaa la dilay, markaan cisha ka so baxay ayaan maydkiisa ka soo qaadnay meesha oo u u dhaxeysay guriga aan daganahay iyo kooda" ayuu BBC da u sheegay cabdi Xasan.Waxaa uu intaa ku daray in markii ay tageen goobtii dilka ak dhacay ay u tageen wiilka oo 'naf yar' ay ku jirto kadib na ay isbataal ula carareen.
"Markii naloo soo sheegay oo aan meeshii tagnay, dhaawac ayuu ahaa markaas naf xun ayaa ku jirtay, maskaxda burburtay, markii aan isbataalki geynay oo saaladii la saaray waxaa noola sheegay inuu meyd yahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi.
Cabdi Xasan oo adeer u wiilka la dilay ayaa sidoo kale xusay in laamaha ammaanka ay ku wargaliyeen dhacdadan islamarkana ay u sheegeen in howlgalka uu meel fiican u marayo.
"Waan la xiriirnay booliiska waan la xiriirnay CID, iyo guddiga nabadgalyada, waxay noo sheegeen in baaritaanka uu meel fiican u maray" ayuu yiri Cabdi.
Cabdiraxmaan Rooble Xasan oo 19 jir ahaa ayaa dhiganayay dugsiga sare gaar ahaan fasal saddexaad ee iskuulka Xaaji Cali Biixi ee magaalada Galkacyo, sanadkaan ayuu u gudbi lahaa fasalka afaraad ee dugsiga sare.
Ehelkiisa ayaa sheegay in caddaalad ay dalbanayaan isalamarkaana dadkii ka dambeeyay dilkiisa la
Maxay ka yiraahdeen booliiska?
Taliya ku xigeenka booliiska qeybta gobolka Mudug ee Punland, Siciid Xuseen Jaamac oo BBC la hadlay ayaa xaqiijiyay in dhacdadani xalay wiilka lagu dilay.
Waxaa uu sheegay in dilka uu ka dhacay xaafadda Israac ee magaalada Galkacyo islamarkana ayna baaritaan wadaan.
"Waxay ahayd dhacdo xanuun badan waan ka murugooneynaa, waxayna ka dhacday Xaafada israac aagga ibitaalka Dhagacade," ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ayaa sheegay in dilka ka dib ay sameeyeen howlgal dhanka amaanka ah islamarkana ay dhacdadan dad badan u soo xireen.
"Dad ilaa 50 qof gaaraya ayaan u soo xirnay dhacdaan," ayuu BBC da u sheegay Taliye Siciid.
Goobaha ay booliiska howlgalkooda ku bartilmaameedsadeen waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo taleefoonada celiska ah iyo goobaha taleefoonada lagu hagaajiyo.
"Waxaan tagnay oo aan dad ka soo qabqabanay meelo kala duwan sida goobaha lagu iibiyo taleefoonada celiska ah kuwaasi oo ay su'aalo waydiinayno" ayuu intaa ku daray.
Taliya ku xigeenka ayaa xusay in dhacdadaani ay tahay markii ugu horeysay oo tuugo ay qof ku disho xabad islamarkana markii hore ay sidan jireen tooreey taasi oo mararka qaar ay dhawacyo ku geysan jireen.
Qaar ka mid ah ardayda iskuulkii uu dhigan jiray marxuum Cabdiraxmaan Rooble Xasan ayaa dhigay dibadbax ay cadaalad ku dalbanayaan.
Tuugada dhacda taleefoonada ayaa sida wariyayaasha maxaliga ah ay sheegayaan muddooyiinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Galkacyo.
Dilka Cabdiraxmaan Rooble Xasan iyo tuugada xilliga habeenkii dhaca taleefoonada ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka magaalada Galkacyo.
soo qabto.
0 Comments