Marka aad qof jeceshahay waa muhiim in aad u dirto geeraar jaceyl gaar ahaan kuwo qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo.
Haddii aan hadalka sii jilciyo, geeraar marka ay lamaanahaagu taagan tahay fadhiisin karo, marka ay socoto istaajin karo, marka aad kala tagtaanna xusuus gelin karo.
Kaas ayaa la dhahaa geeraar jaceyl oo qalbiga taabanayo.
Waxaa laga yaabaa in aad arki jirtay Aktarka caanka ah ee reer Hindiya oo lagu magacaabo Aamir Khan oo geeraarayo. Sida marka uu dhahayo:Haadka samada duuliyo
Hibashada kalgacalkaan
kaa heebinaayoo
Ma hurdo habeenkii
Ma harsado dharaartii
Haka baqin sheekada
Hadal kuu dhameeyoo
Kuu huurshay mirahee
Maqasheyee
Ma heysaa macaaneey
Aamir Khan
Waaw waad ka baxsatay, geeraar macaan ah ayaa kaa baxayo. Taasi waxa ay ku tusineysaa in geeraarku uu yahay waxyaabaha cajiibka ee aad sida fudud ugu soo jiidan karto qalbiga lamaanahaaga.
Hadaba ka hor inta aadan u dirin lamaanahaaga geeraar jaceyl oo soo jiidasho leh waxaa fiican in aad taqaano geeraarada ay sida qaaaska ah u jeceshahay lamaanahaaga.
Lamaanaha ayaa ku kala duwan dookha geeraarada caashaqa ah, qaar baa jecel geeraar jaceyl oo calaacal ah halka kuwa qaar ay jecelyihiin geeraar jaceyl oo amaan ah.
Sidoo kale lamaanaha ayaa iyana xiiseeyo adeegsiga erayo jaceyl ah gaar ahaaan kuwo qalbiga soo jiidanayo.
0 Comments