DUUL CULIMO QASTAANU NAHAY:
Inta uu meel banaan ah tagey ayuu u jeestay bari si uu u kaadjo, kadibna wadaad arkayay ayaa ku yidhi qorax-ka-soo-baxa iyo qorax-ka-dhaca diintu ma ogola in loo jeesto marka la kaadinayo, waa ka waqooyi ula jeestay kaadidii, wadaad kale ayaa hadana ku yidhi qiblada diintu ma ogola in loola jeesto kaadida, isla markaa in dabada lagu jeediyo qibladana ma ogola diintu, ninkii inta uu ayuu yidhi Duul Culimo
xanaaqay ayuu kor u kaadjay, markaas
Qastay ayaanu Nahay. ADEER ADIGU INDHO FIIQANIDAA! Waxa jiray laba qollo oo dagaal hoose ka dhaxeeyay, labada qolo mid ka mid ah ayaa waxay lahaayeen oo qabiilkooda ku jiray odey lagu yaqaanay Cawrida, kadib inta ay maalin soo kaxeeyeen odeygii, ayay keeneen meel ay fadhiyeen oo ay ku tashanayeen qoladii kale, kadibna inta farta loogu fiiqay meeshii ay fadhiyeen ayay ku yidhaahdeen odeygii: "eeyaa waa kuwaa nimankii aynu is-haynay halkaa fadhiya'e cawri oo ku rid gantaaladaadii...", odeygu wuu indho darnaa, oo si fiican waxba umuu arkeynin, meeshii loo tilmaamayay ayuu hore u arki waayay, ninkii waday ayaa kolba farta ugu fiiqaya oo ku leh: "adeer waa kuwa halkaa fadhiya
miyaanad arkaynin, sow kuwaasi...", kadib odeygii ayaa inta uu ninkii u
tilmaamahay ku jeestay ku yidhi: "ADEER ADIGU INDHO FIIQANIDAA !!!",
kadibna kii odeyga tilmaamayay ayaa indhihii dam noqdeen oo indho
beelay, cawridii odeyguna ay ku dhacday...
0 Comments